Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhig iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Mashaariic Waaweyn Oo Magaalada Berbera Yeelan Doonto +Sawiro

0
582

Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhig iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Mashaariic Waaweyn Oo Magaalada Berbera Yeelan Doonto

Berbera-30-11-2018-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  gacantiisa roogga macmalka ah ku dhigay garoonka kubadda cagta ee Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera, isaga oo sidoo kalena dhagax dhigay xarun cusub oo uu yeelan doono badhasaabka gobolka Saaxil.

Munaasibadda uu madaxweynuhu Roogga macmalka ah ku dhigayey garoonka kubadda cagta ee Cabdalle Stadium, ayaa waxa goob joog ka ahaa maamulka iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil, wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed iyo dhallinyaro kale oo gobolka kasoo jeedda, waxana  uu garoonkani ku biirayaa garoomada waaweyn ee qaranku leeyahay ee ku yaalla caasimadaha gobollada  dalka oo intooda badan lagu goglay roogga casriga ah.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil  Mudane, Eng. Axmed Cismaan Xasan iyo maayarka magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Ciddin, ayaa madaxweynaha siiyey warbixin kooban oo la xidhiidha xaaladda garoonka Kubadda cagta ee Cabdalle Stadium, waxana ay sheegeen inay maamul ahaan xil weyn iska saareen sidii uu garoonkaasi qabyada uga bixi lahaa, isla markaana ay da’yarta reer Berbera u heli lahaayeen madal qabyo-tiran oo ay ku ciyaaraan.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, ayaa isaguna dhinaciisa hoosta ka xarriiqay inay wasaarad ahaan ku dedaaleen sidii uu garoonkaasi u dhammaystirmi lahaa, isla markaana ay haatan ku hawllan yihiin inay dhammaanba garoomada waaweyn ee dalka u wada dhigi lahaayeen roogga macmalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si guug ugu hambalyeeyey maamulka gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha inay dhammaystireen dhammaanba baaihii uu garoonkani lahaa, waxana uu bulshada reer Berbera kula dardaarmay inay ilaashadaan garoonka, kana dhigtaan madal ay kaga gabbadaan balwadaha liita ee mustaqbalka da’yarta saamaynta ku yeesha.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhaga-dhigay xarunta cusub oo uu yeelan doono badhasaabka gobolka Saaxil oo laga dhisi doono gudaha magaalada Berbera.