Madaxweynaha Somaliland oo ehelka, garaadada iyo shacbiga Somalilandba ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Sekeriye Garaad Cqani Garaad Jaamac oo hargeysa ku geeriyooday

0
566

Madaxweynaha Somaliland oo ehelka, garaadada iyo shacbiga Somalilandba ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Sekeriye Garaad Cqani Garaad Jaamac oo hargeysa ku geeriyooday

ACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Garaaddada, isimmada dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sekeriye Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 19-11-2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa dhaqan-yaqaan, ka soo jeeday qoys-dhaqameeddada ugu faca-weyn Jamhuuriyadda Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii dalka iyo wada jirka iyo wada noolaanshaha shacbiga Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Garaaddada, isimmada dhaqanka,, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.