Madaxweynaha Somaliland oo ganacsatada dalka iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Deyr Maxamed Cilmi oo ku geeriyooday Burco

0
894

Madaxweynaha Somaliland oo ganacsatada dalka iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Deyr Maxamed Cilmi oo ku geeriyooday Burco
TACSI MADAXWEYNE: 13/02/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Deyr Maxamed Cilmi oo ku geeriyooday magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco xalay oo ay taariikhdu tahay 13/02/2021.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday waayeel ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba, kana mid ahaa ganacsada dalka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, sidoo kalena kaalin weyn ku lahaa halgamadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.