Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad Guurada 25aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland + Sawiro

0
1305

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad Guurada 25aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland.

02-02-20119-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka qaybgalay sannad guurada 25aad ee aas aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 02-02-2019, markii dhidibada loo taagay ciidan qaran oo Dalku yeesho.

 

Madaxweynuhu markii uu gaadhay goobta lagu qabanayey xuska sanad guurada aas aaska ciidanka waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, waxaanu kormeeray dhismeyaal cusub, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray madaxweynuhu laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo laga hirgeliyey xarunta birmadka iyo miiska saraakiisha ciidanka, waxaanu madaxweynuhu ku soo noqday goobta xafladu ka dhacaysay oo lagu soo bandhigay riwaayad la magac baxday gacmo wadajir oo ay jilayeen fannaaniinta ciidanka qaranku, markii ay dhamaatayna waxa khudbado ka jeediyey halkaasi taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ka warbixiyey wixii u qabsoomay ciidanka sanadkii la soo dhaafay iyo Wasiirka Gashaandhiga Somaliland, mudane Ciise Axmed Yuusuf (Xawar)  oo isaguna ka hadlay dedaalada ciidamada qaranku ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada dalka iyo dadka, isagoo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland.

 

Maaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad taariikhiya ayaa yidhi “Waxaan  Hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka Somaliland, Jannanada, Saraakiisha, Saariil xigeenada, Dablayda iyo xaasaskoodaba sannad guurada 25aad ee Ciidanka  Qaranka, Ilaahay waxaan uga rajaynayaa horumar guud ahaan iyaga iyo Xaasaskoodaba iyo in Ilaahay sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo Barwaaqo iyo horumar.

 

Qaranku wuxuu uga mahadnaqayaa Ciidanka difaaca ay ugu jiraan qaranka iyo in ay yihiin dhidibada 1aad ee ilaalinta qaranka, Dawladdnimadu waxay ku fadhidaa saddex qodob waanay kala horeeyaan, ka ugu horeeya waa Ammaanka, ammaankana ciidamadaa inoogu horeeya markaa ciidamada kala duwan waa inaan siinaa mudnaanta Koobaad, hadday tahay ammaan Mahadnaq, Sharaf, Xurmayn iyo dhaqaaleba, Xukuumaddan maanta joogtana taasaa u ah mudnaanta koobaad.

 

Mudnaanta labaadna waa in tallo laysku wada kalsoon yahay la helo taasoo lagu helaayo sida xeerarkeenu dhigayaan in Xilka hoggaamintu yahay meerto, oo goleyaasha qaranka ee la doortaa gole waliba uu wakhtigiisa ku bedelmaa, oo shacabku mar labaad codkooda bixiyaan hadday tahay Madaxtooyo, hadday tahay guurti hadday tahay Baarlamaan iyo hadday tahay Dawladdo hooseba, waayo waxaa dan loo mooday oo Caalamka oo dhami eegay in Shantii sanno ama Lixdii sannaba mar la bedelo golahaasi si loo helo ama kii hore loogu celiyo ama dhiig cusub, dadkana taladu u sinaanto markaa waxaan u baahan nahay inaynu kaana ka dhigno qodobka Labaad ammniga iyo talada, taladii haddii la waayo la socon maayo, taladuna socon mayso haddaan ammnigu ka horayn.

 

Ta Saddexaadna waa dhaqaalaha in dalka dhaqaalihiisu markaa kor u qaadmayo, Dhaqaaluhu ma qaadmayo oo hore u marimayno haddaynaan ammaan hayn iyo talo wanaagsan oo lagu wada socdo, markaa waxaan leeyahay ciidamada qaranka aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa, xilkoodii koobaad way guteen, ummaddana waxay ku leeyihiin sharaf qadarin haddaynaan wax kale u hayn iyaga iyo ubadkooda iyo xaasaskoodaba, laakiin maanta hawlaha badan ee inaga badan duruufahaa inaga dhimay”.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayey mustaqbalka ciidanka Qaranka ayaa yidhi “Maanta Ciidankeena Qaranka waxaan Ilaahay  idinka rajaynayaa inaynu gaadhno oo aan goob joog ka noqdo isagoo leh  Ciidankii Cirka, waa riyadayda Ilaahay idankiina waan gaadhi doonaa isagoo leh Ciidankii Badda oo baddeena dhereran Maraakiib daafacda oo Maraakiib waa weyn oo Ciidanka Hoggaaminaya ay gaadhaan Ilaahay idankii waan ka rajaynaynaa waanan u hawl gelaynaa inuu Ciidankeenu yeesho Gantaalaha ridada dheer ee cadowgu ka baqdo”.

 

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey Dalalka deriska iyo caalamka ayaa yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa inaan caddeeyo inay Somaliland jaararkeeda iyo Caalamkoo dhan nabad ugu baaqayso, nabad baan u baanahay dal dhismayaanu nahay ciddna duulimaad kuma nihin, cid walba nabad baanu ka rabnaa, waxaase la yaab leh Dawladda maanta Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Kheyr ee Xamar ka dhisani ilaa maalintii la doortay ilaa maalinkaa maanta ah, waxa ay weerar joogto ah oo qaawan oo dhinacwalba leh ay ku hayaan Qaranka Somaliland, Dagaaladaa laga sheekaynayey waa joogto, Dagaalka Dhaqaale waa joogto, ka Cuna qabatayni waa joogto, ka been abuurka ahi  waa joogto,

Waxaa la yaab leh oo taariikhdu inoo sheegaysaa dagaal cid guul ku gaadha waa la waayey Soomalina Soddonkii sanno  ee  u danbeeyey dagaal uun bay ku jirtay waanay wada degtay, caqliga toosani Soomaalidu maanta meelay joogtaba waxay u baahan tahay inay talo gaadhaan oo ay tashato,  laakiin waxaan arkayaa dawladda  maanta Xamar ka dhisan ee Baydhaba weeraraysa ee dadka ku laynaysa, ee Kismaanyo u hub samaysanaysa ee Putland dirqi kaga baxsatay ee Somaliland dagaalka ku haysa ee iyada ay ilaalinayaan ciidamada Qaramada midoobay, ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu Fidmadeeda inaga nabadgeliyo, innaguna waynu u diyaar garoobaynaa wixii ay dhibaato inoola yimaadaan dhinacwalba inaynu iska daafacno.

 

Waxa soo baxay oo Dawladda Xamar ee Farmaajo iyo Kheyre keeneen inay yidhaahdaan Somaliand xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu dhigteen Xuduudihii isticmaarka ee Africa lagaga tegay aqbali mayno, ee waxaanu samaynaynaa xad beeleed.

 

Waxaa la yaab leh markii isaga la dooranayey (Farmaajo) waxaa la tartamay oo raggii meesha ugu aqoon badnaa ugu cadcaddaa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Samatar, Markii doorashadii xamar  dhamaatayna waxaa la yidhi orod dalkaagii qabo oo ku noqo, waxaanu ahaa ninka juhdiga u badan geliyey Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimi wuu inoo waramay, Ismaaciil Buubaa baa ka horeeyey oo Toban sanno u ahaa Wasiirka Khaarajiga wuu inoo yimi wuu inooga waramay waxa meeshaa yaalla.

 

Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya arrimaha Somalialnd waxa uu yidhi “Somaliland in la wada leeyahay Makhraatigeeda waxaa ah Daahir Rayaale Kaahin oo kaga guulaystay Doorasho gacmeed oo hal qof iyo hal cod ah Siilaanyo oo ahaa Hoggaamiyihii SNM oo lagu qaabilay oo Sideed sannadood ku xukumayey dalka.

 

Makhraatideeda Somaliland in la wada leeyahay waxaa ah Xagglo-toosiye oo la tartamay Saylici oo ku sigay oo dirqi dirqi kaga baxsaday inuu ka reeyo.

 

Doorashada hadeer la go’aamiyey inay inoo qabsoonto December sannadkan, Walaalayaal haddii aynaan doorashooyinka dimuqraadigaa gelin haddaynaan Goleyaasheena wakhtigooda dooran, haddaan goleyaashu doorasho noqon taladu waa inaga xumaanaysaa, taladu wadaagay ku wanaagsan tahay.

 

Madaxweynuhu mar uu la ka hadlay xisbiyada qaranka waxa uu yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaa waajib ku ah inay xaliyaan wixii dhibaato ah ee iyaga khuseeya ee Doorashada ku gudban, diyaar baanu u nahay dood kasta inaan xal nabad ah u doono waxaanse xalka gaadhaynaa xisbiya qaranka haddaan nahay marka aynu siino mudnaanta inay doorasho inoo qabsoonto, haddaynu mudnaanta siino muran yar oo dhexdeena taagan Walaalayaal gaadhi mayno doorashada.

 

Waxaan leeyahay waxyaabaha yar yar ee doorashooyinka horyaala waynu dhamayn karnaa waynuna dhamayn jirnay, aynu isaga nimaadno aynu dhamayno, hala eego doorashada oo yaan la eegin waxa yar ee ina horyaala, dawladd ahaana diyaar baanu u nahay xisbi ahaana diyaar baanu u nahay in la wada hadlo doorashada wakhtigeedii lagu qabto oo aanay mar labaad dib inooga dhicin, golaha guurtidana aynu raadino xeerkii lagu dooran lahaa.

 

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Idsbedelka geeska afkrika waxaanu yidhi “Somaliand isbedelka ka socda geeska Africa qof waliba isbedelkaa dantiisuu ka eegayaa, Somaliland isbedelka wixii u dan ah ayuun bay ku dhaqaaqaysaa ciddii ay iskaashan karaana way kaashanaysaa, ciddii ay is kaashan kari waayaana ammaan bay siinaysaa”.

Wa-bilaahi tawfiiq