Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Eng Yuusuf Caynab Muuse

0
614

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi  iyo qaar kamida Golaha Wasiirada ayaa ka qeyb galay Aas Qaran loo Sameeyey Alle haw naxariistee Eng Yuusuf Caynab Muuse oo Xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyey ee Dalka soo maray.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horaynba Tacsi u diray Qoyskii Qarababadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Caynab, waxaana uu sheegay inuu ahaa qof wanaagsan oo afgaaban, Qarankana wax badan usoo qabtay .

 

Qaar kamida Golaha Wasiirada oo iyaguna halkaasi  ka hadlay ayaa si weyn uga sheekeeyey Taariikhdii Marxuum Yuusuf Caynab Muuse, Marxaladihii kala duwanaa ee uu Qaranka kala soo dabaashay, waxaana ay marag fureen inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo dhawrsoon islamarkaana ummaddu ka nabad gashay, Waxaanay alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo eheladii iyo qarabadii uu ka baxay.

 

Marxuum Eng Yuusuf Caynab Muuse ayaa xilal Wasiirnimo kasoo qabtay Xukuumadihii Cigaal iyo Riyaale, sidoo kalena wuxuu macalin ka ahaa Jaamacada Hargeysa oo uu wax ka dhigi jiray Kuliyada Sayniska ee Jaamacada Haregysa.