Madaxweynaha Somaliland oo maayarka Magaalada Burco ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Hooyadii Marxuumad Aamina Caraale Cabdille

0
508
TACSI MADAXWEYNE:- 28/09/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Aamina Caraale Cabdille oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 28/09/2020, magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.
Waxaanu Madaxweynuhu geeridaasi si gaara uga tacsiyadaynayaa maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad oo ay marxuumadu hooyadii ahayd iyo dhamaan qoyska reer Muraad.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.