Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo Eheladii ay ka baxeen ka tacsiyadeeyey Geerida Laba Oday oo ku geeriyooday Hargeysa

0
391
TACSI MADAXWEYNE: 01/02/202
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah Jaamac Cabdi Maxamed (Ganaf-cade iyo Axmed Cumar Maxamed (Caga-dable) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 01/02/2022, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiinta ku sifeeyey odayaal muxtarima oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.