Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo Madaxda Dhaqanka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Suldaan Cali Suldaan Maxamed oo maanta ku geeriyooday Gabiley

0
615

Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo Madaxda Dhaqanka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Suldaan Cali Suldaan Maxamed oo maanta ku geeriyooday Gabiley

Tacsi Madaxweyne
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cali Suldaan Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/12/2018, Magaalada Gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay madaxdhaqameedka dalka, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha nabadgalyada, dib u dhiska dalka iyo wada jirka bulshada Somaliland, kana soo jeeday saldanad soo jireen ah oo facweyn.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.