Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo qarankaba ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Mujaahid Maxamed Boodhle Maxamuud oo amanta Geeriyooday

0
672
TACSI MADAXWEYNE: 05/11/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Mujaahid Marxuum Maxamed Boodhle Maxamuud oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 05/11/2019, magaaladda Gabiley.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii, nabadayntii iyo dib u xorayntii dalka.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.