This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Biixi Cali Wayrax tacsi u diray

TACSI MADAXWEYNE: 24/01/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Biixi Cali Wayrax,…

Tacsi

TACSI MADAXWEYNE: 24/01/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Biixi Cali Wayrax, oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 24/01/2020, magaalada Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey mid ka mida waayeelkii dib u heshiisiinta iyo dib u dhiskii dalka doorka muuqda ka soo qaatay.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.