Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga ka tacsiy adeeyey geerida Marxuum Axmed Xaaji Nuur oo ku dhintay Dalka Canada

0
647
TACSI MADAXWEYNE: 30/07/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Nuur oo ku geeriyooday Dalka Canada.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey muwaadin hawlkar ah oo ka baxay qaranka Somaliland, kana mid ahaa masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo uu muddo dheer ka tirsanaa, kana soo shaqeeyey dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.