Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Gudoomiyihii hore ee gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere

0
665

Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Gudoomiyihii hore ee gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere

TACSI MADAXWEYNE: 03/09/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Xuseen Siciid (Cabdi Xuseen Dheere) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu tahay 03/09/2019 magaalada Hargeysa, gudoomiyihii hore ee gobolka Togdheer.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray, markii danbena waxa uu kaalin balaadhan ka qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.