This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Maxamed Cabdi Arabay oo xalay ku geeriyooday Hargeysa laguna aasay maanta

TACSI MADAXWEYNE: 25/09/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi…

Tacsi
TACSI MADAXWEYNE: 25/09/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabey oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/09/2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday waayeel ah oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay, nabadayntii iyo dib u dhiskii waddanka.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.