Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Marxuum Mustafe Faarax Dhoore

0
453
TACSI MADAXWEYNE: 01/05/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Faarax Dhoore oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 01/05/2020, magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka, kana mid ahaa muwaadiniintii ka soo qayb-qaatay horumarka dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka oo uu ugu danbeeyey wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.