Madaxweynaha Somaliland oo Si Balaadhan loogu soo dhaweeyey Dalka Ka Dib Safarkii Uu Kaga Soo Noqday Jabuuti + Sawiro

0
992

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Kusoo Laabtay + Shacabka Oo Si Ballaadhan Usoo Dhaweeyey

 

Hargeysa-18-06-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee ka qayb-galay wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka Jabuuti ka qabsoomay, ayaa maanta dalka kusoo laabtay, waxana si aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa.

 

Kumannaan katirsan qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hormuud u yihiin madaxda  hay’adaha  qaranka, kuna lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay xayndaabka madaarka  Cigaal International Airport, waxana ay usoo gelibyeen dhinaca qasriga madaxtooyada oo uu madaxweynuhu ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, kana xog-warramaysa shirkii ay weftigu ka qaybgaleen iyo sidii wada-jir loogu taabbo-gelin lahaa qarannimada Somaliland.

 

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si qoto dheer uga warramay shirkii u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxyaabaha uu kaga duwanaa shirarkii hore u dhici jirey ee bilaa natiijada ahaa, “Shirkani waxa uu kaga duwanaa kuwii hore waxa aynnu nasiib u yeelannay in la helo fagaare adduunka dawladihii ugu waaweynaa shir ay soo qaban qaabiyeen oo ay wadaan dawladdo Maraykanku ugu horrayso oo ay kasoo qaybgeliyeen dawladaha Yurub kuwii metelayey, Afrika kuwii metelayey, dawlado kale oo madax bannaanna cid ka wakiil ahi ay joogtay, loona xilsaaray inay dawladda Jabuuti marti-geliso, maadaama madaxweynaha Jabuuti uu yahay madaxweyne Soomaali ah oo soomaali dhaqankeeda yaqaan ee garanaya waxa la isku hayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay shuruudihii ay qaran ahaan beesha caalamka kula garnaqsadeen iyo  rabitoonkooda la xidhiidha inaanu shirkaasi noqonin gacmo daalis iyo waqti lumis, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Markii hore arrinta waxanu ku galnay ma doonayno shir inta la isu yimaaddo la isa salaamo oo walaal-walaal la yidhaahdo la kala tagee, haddii hawsha si dhab ah loo gelayo oo muddaysan oo mid walba waqtigeeda la qabanayo oo ama hallagu heshiiyo ama halla isku diidee si dhab ah loo wada hadlayo diyaar baannu nahay, laakiin uma baahnin mid food lagu gelayo iyo mid cid sawir lagu tusayo midna.”

 

Farriin cad oo aqoon iyo garnaqsi ka muuqdo ayuu madaxweynuhu adduunka intiisa kale u diray, isaga oo ka codsaday inaanay marnaba aqbali doonin caddaalad-darrada iyo garsoor la’aanta uu caalamku Somaliland kala hor yimi,“Caalamka waxannu u sheegnay, haddana u sheegaynaa idinkaa soomaali ahe heshiiya ma soconayso, wada-hadlana ma soconaysee beesha caalamka ee maraykanku ugu tun weyn yahay waxannu leenahay laba dawladood oo is dilay baannu nahay, dawladdii waxay naga duntay 1991-kii, laba dawladood baannu  kala dhisannay, waxadse ictiraafkii naga dhexeeyey iyo dhaqaalihii naga dhexeeyey siiseen Soomaaliya, annaguna yeelli maynno qolo aad intaas wada siiseen inaanu la hadalno oo aannu u baryo tagno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland, madaxdeeda, wax-garadkeeda, aqoonyahankeeda, madax-dhaqameedkeeda iyo siyaasiyiinteedaba ugu baaqay inay isku duubnaadaan, wax kasta oo qarannimadooda iyo hankooda ka dhan ahna meel uga soo wada jeestaan.

Wa-bilaahi Tawfiiq