Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u dir ehe lada iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Ibraahim X Cabdilaahi Diiriye (Gamgam)

0
418

 

TACSI MADAXWEYNE: 19/10/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee MarxuumIbraahim Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam) oo ku geeriyooday galabta Makhribkii oo ay taariikhdu tahay 19/10/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaa qoyska Reer Xaaji Cabdilaahi Gamgam.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, kana soo shaqeeyey caalamka iyo dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, mudooyinkii u danbeeyeyna wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Komishinka doorashooyinka Qaranka.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.