Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Baarlamaanka JSL, shacbiga iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo Kurkiga ku geeriyooday

0
606
Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Baarlamaanka JSL, shacbiga iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo Kurkiga ku geeriyooday
TACSI MADAXWEYNE: 04/02/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/02/2021 Dalka Turkiga oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay qaranka Somaliland iyo shacbigiisa, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii kala danbeeyey ee dalku soo maray.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.