Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Bahda Waxbarashada iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Macalin, Ganacsade Ismaaciil Guray

0
75
TACSI MADAXWEYNE: 10/07/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda waxbarashada, Ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Jaamac Ibraahim (Ismaaciil Guray) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 10/07/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay qaranka Somaliland oo door muhiima ka soo qaatay dedaaladii loo soo maray dalka iyo dadkaba, kaalin muhiimana kulahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo marxuumku ka mid ahaa bahda waxbarashada, ganacsatada reer Somaliland.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda waxbarashada, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here