Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Ehelada Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga

0
647

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Ehelada Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga

 

TACSI MADAXWEYNE: 18/11/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 18/11/2020, dalka Turkiga.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir muhiima oo ka baxay qaranka Somaliland, isagoo kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa aas-aasayaashii seeska u dhigay ururada bulshada Somaliland, waxa kale oo uu Sannadihii u danbeeyey ahaa wakiilka machadka Rift Valley ee Somaliland iyo wakiilka hay’adii Progressio. Halka uu sannadihii 1981kii ilaa 1989, ka mid ahaa dhalinyaradii Uffo loo xidh-xidhay, waxaanu ka mid ahaa marxuumku aqoonyahanada dalka dibediisa wax ku soo bartay gaar ahaan jaamacada Warsaw ee dalka Poland oo uu dhakhtarnimo ka soo bartay ugana faa’iideeyey 1976kii Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo uu Agaasime ka noqday wakhtigaasi.

 

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.