Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi

0
595
TACSI MADAXWEYNE: 20/03/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/03/2021 dalka Turkiga.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland, muddooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.