Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Madaxda dhaqanka iyo shacbiga Somaliland

0
601

TACSI MADAXWEYNE: 30/04/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koor  oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 30/04/2019, shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Bohol ee gobolka Sanaag.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka oday dhaqameed ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka, mudooyinkii u danbeeyeyna waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxda dhaqanka ka koobnaa ee daminta colaadii u joogay deegaanka ceel-afweyn.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.