Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray shacbiga iyo ehelada uu ka baxay mujaahid Marxuum Axmed Xasan Geelle (Shunuu)

0
535
TACSI MADAXWEYNE: 31/05/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mujaahid Marxuum Axmed Xasan Geelle (Shunuu) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 31/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dalka iyo dadka, kana mid ahaa mujaahidiintii dalkan u soo halgamay sidii ay uga xorayn lahaayeen taliskii macaggaga ahaa ee ummadda Somaliland xasuuqay, markii danbena kaalin weyn ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.