Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Ehelada Marxuum Sheekh Aadan Aamin Cigaal oo maanta ku geeriyooday Hargeysa

0
615

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Ehelada Marxuum Sheekh Aadan Aamin Cigaal oo maanta ku geeriyooday Hargeysa

TACSI MADAXWEYNE: 01/05/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Aamin Cigaal oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 01/05/2019, magaalada Hargeysa.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey sheekh iyo ganacsade ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo culimada waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.