Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray taliyihii u horeeyey ee Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibboo) oo Keneda ku geeriyooday

0
632
TACSI MADAXWEYNE: 19/10/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray, Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibboo) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 19/10/2020 dalka Keneda.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mid ahaa tiirarka ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland seeska u dhigay gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland oo uu ahaa taliyihii u horeeyey markii la Aas-aasay 03 Novenber 1993-gii, waxaanu door muhiima ka soo qaatay dedaalladii kala duwanaa ee ciidamada lagu soo dhisay.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.