Madaxweynaha Somaliland oo tańsi u diray Dawladda Jabuuti oo uu ka geeriyooday Wasiirkii Maalgashiga iyo Madaxtooyadu

0
755
TACSI MADAXWEYNE: 28/04/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, shacbiga reer Jabuuti iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Maalgashiga iyo Madaxtooyada Jabuuti Marxuum Cali Geelle Abubakar oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 28/04/2020, dalka Jabuuti. Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi marxuumka xukuumaddii iyo golihii wasiirada ee uu ka tirsanaa.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dawladda Jabuuti iyo shacbigii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.