This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer WAREEGTO MADAXWEYNE: 22 /06/2020   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay:               Aqoontiisa, Kartidiisa iyo…

Capture

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

WAREEGTO MADAXWEYNE: 22 /06/2020

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.