Madaxweynaha Somaliland oo wasiirka qorshaynta iyo shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Cumar Maxamed Cali Gaafaadhi

0
885

Madaxweynaha Somaliland oo wasiirka qorshaynta iyo shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Cumar Maxamed Cali Gaafaadhi

TACSI MADAXWEYNE:  05/07/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Cumar Maxamed Cali Gaafaadhi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 05/07/2020 caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi wasiirka Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo qoyska reer gaafaadhi meel ay kala joogaanba.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.