Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray 12-Kii Kiiloo Mitir Ee Ugu Horreeyey Ee Waddada Berbera Corrid

0
614

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray 12-Kii Kiiloo Mitir Ee Ugu Horreeyey Ee Waddada Berbera Corridor

Hargeysa-01-06-2020-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray 12KM (laba iyo toban kiiloomitir) oo kamid ah jidka weyn ee Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) oo si rasmi ah loo dhammaystiray.

Ugu horrayn Eng. Tahir Mehmood ku hadlayey magaca shirkadda Nael $ Bin Harmal Hydaroexport Establishment (NBHH) ee dhismaha fulinaysa dhismaha waddada Berbera Corridor, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa  ee ay waddadu soo martay, waxana uu tilmaamay inay ka go’an tahay dhammaystirka Waddada Berbera Corridor oo muhiim u ah guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa isaguna faahfaahiyey isbeddelka dhinaca tayada iyo cabbirka ah ee waddada ku yimi iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay waddadii hore loo mari jirey oo ahayd mid kooban oo cimrigeedu dheeraa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waxa aynnu u joognaa inaynnu furno qayb kamid ah mashruucii Berbera Corridor oo ah 12 KM, waddadani madaxweyne way ka duwan tahay waddadeenii hore, qaabkii hore wuxuu ahaa Lix Tone (6), tanise insha allah waxay noqon doontaa 40-tone iyo wax ka badan inay xammisho, sidoo kale waa la ballaadhiyey oo ballaceedii hore waxa uu ahaa 6.5, imikana marka hareeraha lagu daro waa 11.3, waxana aannu rajaynaynaa inay insha Allah mustaqbalka ay inoo soo bixi doonto waddo aynu ku raysanno.”

Wasiirku waxa uu sheegay in 12-ka KM ee haatan dhammaaday ay u furan yihiin isticmaalka bulshada gaadiidleyda ah ee jidka maraysa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan dhammaystirka waddada Berbera Corridor, shaqo-wanaagga iyo isku duubnida ay muujiyeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wasaaradda Jidadka iyo gaadiidka aad baan ugu mahadnaqayaa, waanan boogaadinayaa, waddadan (Berbera Corridor) iyo taa Ceerigaabo oo laba waddo oo muhiim ah bay gacanta ku hayaan, dedaal badan iyo shaqadii oo ay barteen iyo isla qabsi baa ka muuqda.”

Ugu dambayntii Waxa uu madaxweynuhu  masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo shirkadaha kale ee ku lugta leh jidka Berbera Corridor ku adkeeyey inay hawsha culus ee ay qaranka u hayaan sii laban laabaan, kana midho dhaliyaan himilada guud ee qaranku ka leeyahay dhinaca dhismaha waddooyinka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

default
default

default

Wa Bilaahi Tawfiiq