Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Loo Bineeyey Hay’adda Dhawrista Tayada Qaranka + Sawiro

0
500

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Loo Bineeyey Hay’adda Dhawrista Tayada Qaranka

 

Hargeysa-11-01-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhisme cusub oo laba dabaq ah oo loo bineeyey hay’adda dhawrista tayada Somaliland.

 

Dhismahan oo xarun u noqon doona hay’adda, ayaa waxa munaasibaddii xadhigga lagaga jaray madaxweynaha ku wehelinayey masuuliyiinta ugu sarraysa hay’adda dhawrista iyo xubno kamid ah xukuumaddiisa, iyada oo halkaas si kooban loogu sharraxay muhiimadda uu guud ahaan qaranka u yeelan doono dhismahan cusubi.

 

Ugu horrayn guddoomiyaha hay’adda dhawrista Somaliland, Mudane Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu dhismahan u leeyahay hay’adda uu masuulka ka yahay oo haatan ka hor dhisme kiro ah ku jirtey, waxana uu madaxweynaha ugaga mahad-celiyey sida uu hay’adda garabka ugu siiyey inay yeelato dhisme ay gaar u leedahay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa ammaanay masuuliyiinta hoggaamiya hay’adda dhawrista tayada oo dhallinyaro ah, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay mudan yihiin bogaadin, maadaama oo ay xafiisyo iyo dhismeyaal shaqaynaya ka hirgeliyeen meelo badan oo dalka ah, waxana uu yidhi, “Maanta qolada hubinta tayada aad baan ugu mahadnaqaynaa, waxana ay kamid yihiin dhallinyarada aan sheegayo, hal-abuurkaasna iyagaa leh, waana wax aad iyo aad loogu farxo in saddex sannadood, gurigan, laab-kii Berbera iyo in dalka oo dhan goob walba ay gaadhaanna waa shaqo aad u wanaagsan, waanan ku hambalyeynayaa.”

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee dhismuhu ka kooban yahay, isaga oo indhihiisa kusoo arkay agab ay hay’addu u isticmaasho baadhista agabka kala duwan ee dalka yimaadda. Waxaanu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey labada shirkadood ee GTS iyo Red Sea oo hay’addu ku maamuustay dhismaha xarunta ee xadhiga Laga jaray iyo qalabaynta nidaamka casriyeynta xaruntaasi.

 

default

Wa-bilaahi Tawfiiq