Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Qalin-jebinta Ardayda Dugsiga Sare ee Abaarso.

0
332

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Qalin-jebinta Ardayda Dugsiga Sare ee Abaarso.

Hargeysa-30-0602022-(MT-JSL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb-galay Xaflada qalin-jabinta dufcadii 10aad ee ka baxda Dugsiga sare ee Abaarso School, waxaana munaasibadaasi kasoo qeyb galay Agaasimaha guud ee Barnaamijka Shaqo qaran Mudane Maxamed Xuseen Cismaan, Dr, Adna Aadan Ismaaciil, waalidiin  tiro badan, qaar kamida ardaydii hore uga aflaxday dugsiga.

 

Madaxweyne ku-xigeenka oo  gunaanadkii munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba u hambalyo u diray dhammaan ardayda ka baxday Dugsiga sare ee Abaarso, waxaana uu sidoo kale u mahadceliyey  cidkasta oo ka qeyb qaadatay aasaaskii Dugsiga Abaarso, isagoo xusay in Dugsiga abaarso  ay ka aflaxeen kumanaan dhalinyaro reer Somaliland oo aqoonyahano ah.

 

Waxaana uu ardayda maanta ka baxday Dugsiga Abaarso kula dardaarmay inay muujiyaan dedaal weyn islamarkaana ay maraan waddadii ay mareen ardaydii ka horaysay islamarkaana ay aqoontooda sii kordhiyaan, dhanka kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inaanay marnaba aqbalayn dacaayadaha raqiiska ah ee laga faafiyo dugsiga Abaarso isagoo xusay in dugsigaasi uu sumcad badan usoo jiiday Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq