Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Socdaal Shaqo Ku Gaadhay OODWAYNE + Sawiro

0
811

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Socdaal Shaqo Ku Gaadhay OODWAYNE.

Oodwayne-23-12-2018-(MT-JSL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta gaadhay magaaladda Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh, halkaasi oo uu ugu kuurgalaayey mashaariicda horumarineed ee ka socota dagmadda oodwayne.

Waftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa magaaladda oodwayne kusoo dhaweeyay shacabka ku dhaqan dagmadaasi iyo madaxda maamulka gobolka daad-madheedh.

Madaxweyne ku-xigeenka oo kulan ballaadhan la qaatay maamulka heer dagmo iyo heer gobol ee gobolka daad-madheedh oo uga xog waramay halka ay marayso barnaamijka maamul-daadajinta ee JPLG-ga loo yaqaano, iyagoo xusay masuuliyiintani in barnaamijkani uu wax badan ka taray dagmadda oodwayne isla markaana uu kafeeyay horumar badan oo dagmadani u ciillanayd.

Maayirka dagmadda Oodwayne oo waftiga madaxweyne ku-xigeenka warbixinta sanadlaha ah ee mashruuca maamul-daadajinta ee JPLG-ga siinaaya ayaa yidhi “Halkan waxa sanadkii ugu danbeeyay laga hir-geliyay mashaariic tiro badan oo ay xannaanadda hooyadda iyo dhalaanku kamid tahay, waddooyin, xarumo Wasaaradeed oo la qalabeeyay ayaa ka mid ah iyo guud ahaan xafiisyadii gobolka, annaga oo ka faa’idaysanayna mashruuca maamul-daadajinta ee JPLG-ga ayey noo qabsoomeen arrimahaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ugu danbayn soo xidhay kulankaas is xog-waraysiga ah ayaa maamulka gobolka iyo heer dagmaba amar ku siiyay in ay laban laabaan barmaamijyadda horumarineed ee ka socda Oodwayne.

waxaanu madaxweyne ku-xigeenku sheegay in loo laban laabay dagmooyinka kabkii ay siin jirtay dawladda dhexe taa badalkeedana looga fadhiyo in dagmo kastaaba horumar muuqda samayso waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka “Socdaalkaygan maantu waxa uu la xidhiidhaa sidii uu u soo kormeeri lahaa mashaariicda horumarineed ee ka socda Oodwayne, waxaanu dabagalaynaa waxa ka qabsoomay mashruucii maamul-daadajinta ee JPLG-ga, waa illaahay mahadii oo horumar badan ayaa muuqda, waxa kale oo aan idiinku bushaaraynayaa ka dagmo ahaan in la idiin laban laabay kabkii ay dawladda dhexe idin siin jirtay, waa inaad ka faa’idaysataan oo dhakhso horumar ku samaysaan”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq