Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Soo Xidhay Kulan Hawleedkii Labada Maal-mood U Socday Agaasimayaasha Guud + Sawiro

0
579

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Soo Xidhay Kulan Hawleedkii Labada Maal-mood U Socday Agaasimayaasha Guud.

Hargaysa-26-12-2018-(MT-JSL)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta soo gaba-gabeeyay kulan hawleedkii agaasimayaasha guud labada maal-mood ah ka socday Hotel Royal palace ee magaaladda hargaysa, kulankaas oo lagu dar-dar gelinaayay hawlaha dawladda loona tayeyn lahaa adeega ay hay’adahaasi u qabtaan dadweynaha.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile iyo Guddomiyaaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geele oo xidhitaanka kulankaasi hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in agaasimayaasha guud ee kulankan ka qayb galay ay kororsadeen khibrad dheeraada oo wanaajin doonta shaqadda dawlad.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kula dar-daarmay agaasimayaasha inay ilaaliyaan shuruucda iyo qawaaniinta qaranka uga yaalla shaqaalaha, islamarkaana ay laban-laabaan shaqadda baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka “Maanta waxa idiin soo gaba-gaboobay kulan hawleedkaasi,waxaanu daba socday kulankii wasiiradu yeesheen bilawgiiba, waxaad kororsateen khibrad iyo il-baxnimo loo baahan yahay inay qurxiso shaqadda dawladda, waxaan idin kula dar-daarmayaa inaad daacad u ahaataan shaqaalaha, inaydaan kala xigsan, waxa laysla gartay in agaasimayaashu noqdaan shaqaale joogto ah oo aan la badalin taasna inaad ilaalisaan ayaa laydinka rabaa” ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland.

Wa-bilaahi tawfiiq