Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Maanta U Dabaal Degay Toban Guurada Kasoo Wareegtay Muddo Xilkeedka Uu Qaranka U Hayo + Sawiro

0
702

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Maanta U Dabaal Degay Toban Guurada Kasoo Wareegtay Muddo Xilkeedka Uu Qaranka U Hayo

 

Hargeysa-27-07-2020-(MT-JSL)-Madaxweyne  ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Hadhimo sharafeed ku maamuus Masuuliyiinta Xukuumada iyo qaar kamida Madaxda axsaabta Qaranka.

 

 

Kulankan ayaa daaranaa Sannad Guurada 10aad ee kasoo wareegtay Markii Madaxweyne ku xigeenku qabtay Xilka Madaxweyne ku xigeen oo ahayd 27 July 2010  oo lala doortay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, iyadoo mar labaad  lala doortay Madaxweynaha Hadda talada haya Mudane, Muuse Biixi Cabdi Sannad guuradan 10aad waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirada Wasaaraddaha Maaliyadda, Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Dr. Sacad Cali Shire oo iyaguna muddo ku siman 10 sanno  ka mid ahaa Golaha Wasiirada.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa  yidhi “Annigu haddaan Madaxweyne ku xigeenkii qaranka ahay oo markii labaadna 13 Decembar 2017 mar labaad lay dhaariyey, waxaan isleeyahay wixii aad ummaddaada u qaban karaysay ee awoodaadu ku siinaysay, waad usoo qabatay guud ahaan Xukuumada Kulmiye Toban kaa sanno Waddanka Isbedelka ay ka samaysay waa wax weyn oo aan la qarin karayn, haddana shaqo la hayaa ma qabyo beesho shaqaduna waa Imtixaan, wixii naga khaldamayna waxaan leeyahay raali halaga ahaado”.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan ay u diyaarsan yihiin adeega bulshadooda “Waxaan u taaganahay in Qaranka iyo Xisbiga Kulmiyeba siduu tallada u sii hayn lahaa waxay ku imanaysaa inaan xilkan hayno hagaajino, kulmiye ahaan xilka aynu hayno haddaan hagaajino oo sida loo baahan  yahay u qabano ummaddu waxay marwalba inoogu abaal-gudi doontaa inay xilka inagu celiso, taasna waxaan rajaynayaa inaan u diyaarsan nahay inaan ummadda ugu adeegno  si daacad ah oo dawladnimo ah”

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inaanu habeena qof ugu seexan hagar daamo sidoo kalena uu markasta ka fekero danaha qaranka “Waxaan Ilaahay hortii ballan qaadayaa oo   aan isleeyahay Tobankaa sannadood qarankayga aan gacanta Kitaabka u saaray habeen keliya hadduu qaran yahay iyo hadduu qof yahay qofna hagar daamo uguma seexdo, marwalbana culayska kama fikiro dantayda gaarka ah intaan ka fikiraayo qaranku siduu u wanaagsanaanayo ee uu u dhismaayo”.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq