Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb Galay Bandhiga Buugga Laga Qoray Sooyaalka Taariikhda Madaxweynihii Afraad Ee Somaliland, Md. Axmed Maxamed Silaanyo + Sawiro

0
648

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb Galay Bandhiga Buugga Laga Qoray Sooyaalka Taariikhda Madaxweynihii Afraad Ee Somaliland, Md. Axmed Maxamed Silaanyo.

 

Hargeysa-02-05-2019-(MT-JSL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa habeenkii xalay ahaa ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigaayey Buug laga qoray Taariikhda Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi oo uu qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo kamida Golaha Wakiilada ee Somaliland.

 

Madashan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Badiba Haldoorka iyo Waxgaradka Somaliland,  Masuuliyiintii Xilalka kasoo qabtay Xukuumadii Madaxweyne siilaanyo iyo Masuuliyiinta Xukuumada haddaka tirsan oo ugu horeeyey madaxweyne ku xigeenku, sidoo kalena waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, qaar kamida Mujaahitiintii SNM, Dhalinyaro iyo Haween aad u tiro badan.

 

Guud ahaanba Haldoorkii iyo Madaxdii  madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo,  waxaana  midkastaaba ka sheekeeyey Dhacdooyin iyo Maraaxil kala duwan kuwaasi oo la xidhiidha waayihii Halganka SNM, wakhtiyadii Mucaaridnimada iyo intii uu Xukunka Somaliland hayeyba.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo isagu ugu danbayntii munaasibadaasi oo xidhay ayaa dhankiisa soo bandhigay aqoonta uu u leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, xiligii ay isbarteen  iyo mudadii ay soo wada shaqeeyeen  waayihii iyo duruufihii ay soo wada mareen, waxaana uu Xusay Madaxweyne ku xigeenku in Axmed Maxamed Siilaanyo ahaa Hogaamiye wanaagsan oo hal adayg leh taariikh wanaagsana laga dhaxlay, dhanka kale wuxuu sheegay inay meelo badan isaga eegyihiin sida Hooyooyinkood oo isku magac ah iyo taariikho kala duwan oo kale.

Wa-billaahi tawfiiq