Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb-galay  Bandhiga Buugga Warjire Oo Uu Qoray Suxufi Axmed Siciid Cige+ Sawiro

0
548

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb-galay  Bandhiga Buugga Warjire Oo Uu Qoray Suxufi Axmed Siciid Cige

 

Hargeysa-29-02-2020-(MT-JSL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xalay ka qeyb-galay munaasibad labaadhan oo lagu soo bandhigaayey Buugga uu qoray Ruugcadaaga Saxaafada ee Axmed Siciid Cige.

 

Madaxewyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo madashaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaa runtii anniga farxad weyn ii ah in aan kasoo qeybgalo Buugga uu qoray Wariye Axmed Siciid Cige oo aad wada tilmaanteen mihnadiisa, karaamadiisa iyo sharaftiisa.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu qiray shakhsiyad wanaagga Wariye Axmed Siciid Cige wuxuuna yidhi “Waxaan qirayaa mihnad kasta nolosha qeybaha nin waliba kaga jiro inuu ninkaa walalkeen ah ee Axmed Siciid Cige uu mihnadiisa akhlaaqad ku darsaday oo uu ku dheeryahay wariyayaasha inta badan, iyadoo guud ahaan aad moodo ragga geyiga Somaliland ka tegay ee ka shaqayn jiray Idaacada BBC-da in si gaara loo xulay runtii oo akhlaaqiyaadkooda iyo Af-soomaaligooda dhisay”

 

Dhanka Kale Madaxweyne Ku Xigeenku waxa uu Jawaab ka bixiyey Hadal kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaana yuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku “Annigu markaan xafladaha imaado ma dhaafo inaan ka hadlo wixii markaa Xafladda khusaynaya. Laakiin saaxiibkay caawa waan u jawaabayaa Faysal, Faysalow waa la heshiiyey  heshiiska inaad halkiisa ku joojiso ayaa qurux badan, haddaad eedd uun daba waddo iyo waa la hesheeshiyey ma shaqaynayso, doorasho haddaad doonayso hadalka ka daa bahasha, Gudoomiye annigu meesha aad ka cabirtay 70% halka dadka Somaliland ku gaajoonayo waxaan leeyahay kelmadaasi waa Il-haano aad Somaliland Il-haanaynayso, Boqolkiiba Todobaatan dadka  baaba’a gaajoonaya meelaad kasoo saartay  dadka adaa u cadaynaya”

Wa Bilaahi Tawfiiq