Madaxweyne ku xigeenka Oo Saaka Shacabka Caasimadda Hargeysa Kula Tukaday Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Stadium

0
495

Madaxweyne ku xigeenka Oo Saaka Shacabka Caasimadda Hargeysa Kula Tukaday Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Stadium.

 

Hargeysa-20-07-2021-(MT-JSL)-Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka Salaadii Ciidal Adxaha kula tukaday qaar ka mida dadweynaha Caasimadda Garoonka Kubada Cagta, khudbadna u jeediyey shacabkana ku hambalyeeyey Farxada maalinta Ciida.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay in Xukuumaddu ay dagaal kula jirto Mukhaadaraadka, kuwaasi oo dhibaato ku haya bulshada Somaliland, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay is garab taagaan Ciidamada Ammaanka “Xukuumaddu waxay diyaar u tahay marwalba oo heegan u tahay wax Alle wixii shacabka dhibaato ku ah inay dagaal la gasho, Maanta waxaan dagaalka ugu weyn kula jirnaa Mukhaadaraadka la sheegay hadduu yahay Qaadka oo sida xun loo isticmaalayo, hadday tahay Xashiishada, hadduu yahay Khamri, Xukuumaddu wixii Itaalkeeda ah kalama hadhayso  waxay u taagan tahay inay xoog iyo xoolaba ku bixiso sidii mujtamacan looga bad baadin lahaa mukhaaradaadkaas oo baabiinaya dhalinyarteenii soo kacaysay “.

 

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan oo garab joogsadaan Ciidamada heeganka ugu jira la dagaalanka Mukhaadaraadka waxaana uu yidhi “Haddaad shacbiweynihii tihiin waxaa laydinka rabaa inaad ku garab joogsataan Ciidamada ammaanka ee  ugu horeeyaan Boolisku ee halganka ugu jira  la dagaalanka Xashiishada, Khamriga, Maandooriyaha”.

 

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in lays cafiyo oo wanaaga laga wada shaqeeyo “Waxaynu dhammaanteen u baahanahay inaan ka dagaalano in balwadaha iyo mukhaadaraadka dhalinyarteenii iyo qoysaskeenii duminaya inaan dhan uga wada jeesano, diinta iyo wanaaga u jeesano, dhammaanteen waxaan u baahanahay haddaan reer Somaliland nahay inaynu is cafino oo wanaaga ka wada shaqayno.

Wa-bilaahi Tawfiiq