Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Furay Shir-weynaha 4-aad Ee Dib U Eegista Waxbarashada Somaliland + Sawiro

0
659

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Furay Shir-weynaha 4-aad Ee Dib U Eegista Waxbarashada Somaliland

 

Hargeysa-17-09-2018-(MT-JSL)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay shir-weynihii 4aad ee waxbarashada Somaliland dib u habaynta loogu samaynaayey, shirweynahan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa si weyn loogaga dooday marxaladda ay haatan ku sugan tahay waxbarashada Somaliland.

 

Shirweynahaasi waxa kasoo qayb galay badi hay’adaha qaramada midoobay ee Somaliland ka taageera dhinaca waxbarashada, iyo dad kale oo fara-badan kuwaasi oo dadaal dheer ku bixiyay sidii waxbarashada Somaliland u noqon lahayd mid tayaysan.

 

Agaasimayaasha Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare ayaa si qoto dheer uga xog waramay heerka ay maanta marayso waxbarashada Somaliland, isagoo sheegay in wax badani u qabsoomeen wasaaradda waxbarashadda islamarkaana ay waxbadan oo kale dhiman yihiin una baahan yihiin taageero mug-leh oo dhaqaale.

 

Mid ka mida taageerayaasha waxbarashada Somaliland kuna hadlayay afka hay’adaha qaramada midoobay Mr. Cabdiwahab Al-haq ayaa sheegay in qaramada midoobay taageero joogto ah u ballan qaaadayso Soamliland taasi oo lagu kobcinayo waxbarashada Somaliland oo uu sheegay inay tahay mid koboc weyn laga dareemayo.

 

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka hadlay muhiimadda uu Somaliland ugu fadhiyo shir-weynahani, waxaana uu ugu baaqay guud ahaan hay’adaha ka soo qayb-galay shirweynahani inay door weyn ka  cayaaraan sidii loo kobcin lahaa waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) oo shirweynahaasi furay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dadaal weyn gelisay sidii ay sare ugu qaadi lahayd waxbarashada kala duwan ee heer kasta leh, waxaana uu madaxweyne ku-xigeenku tusaale usoo qaatay barnaamijka xukuumddu ku taageerayso ardayda fasalada hoose taasi oo bilaash lagu siinayo buugaagta ay wax ku baranayaan waxaana hadaladii madaxweyne ku xigeenka kamid ahaa “Xukuumadda Somaliland waxa ay heegan dheer gelisay sidii sare loogu qaadi lahaa waxbarashada, waxaanu dhaqan gelinay ardayda dugsiyada hoose oo si bilaasha lagu siiyo buugaagta, waxaanu ku dadaalaynaa inaanu muhiimada koowaad ka dhigano waxbarashada”.

 

Wa-bilaahi taqfiiq