Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Furay Shirka Mudnaanta Horumarinta Qaranka Somaliland + Sawiro

0
499

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Furay Shirka Mudnaanta Horumarinta Qaranka Somaliland

 

Hargaysa-31-12-2018-(MT-JSL)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay shirweynaha mudnaanaha qorshaha horumarinta qaranka wajigiisii labaad oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland.

 

Munaasibadan oo ay ka soo qayb-galeen xubno ka mida golaha wasiiradda xukuumadda Somaliland, ayaa lagu falan-qeeyay sidii sanadkan 2019 loo qorshayn lahaa kala hor-marinta iyo kala mudnaysiinta horumarinta qaranka Somaliland.

 

Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Mudane Cawaale Ibraahin Shirwac oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkani yahay wajigii labaad ee shirwaynaha horumarinta qaranka, isla markaana shirkani lagu muunaynaayo qorshaha 2019 ee cusub waxaana kamid ahaa hadaladii wasiirka “Shirweynahani waa kii labaad ee la qabto mudadii Madaxweyne Muuse Biixi xilka hayay, waa shirweyne aynu kaga tashanayno sidii aynu u qorshaysan lahayn waxa aynu qabanayno 2019-ka ee cusub, waxa aanu doonaynaa inaanu midayno deeqaha caalamku siiyo Somaliland oo gaadhaysa 100 Milyan oo dollar, waxa baryahan la lahaa Somaliland waa laga joojiyay deeqihii lasiin jiray warkaas waxba kama jiraan ugu yaraan 100 Milyan oo deeqo ah ayaa inna soo gaadha”ayuu yidhi Wasiir Cawaale Ibraahin Shirwac.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici) oo munaasibadaasi daah-furay ayaa sheegay in Somaliland ay ku guulaysatay barnaamijka maamul-daa-dajinta ee lagu horumariyo dagmooyinka Somaliland si horumarku u gaadho guud ahaan gayiga Somaliland, shirweynahani uu kaabayo barnaamijkaasi waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Runtii waan soo dhaweynayaa wanaanu inoo furan yahay shirweynahani, inaynu waxqabadkeena kala horaysiinaana waa muhiim, imika waxa aynu ku guulaysanay barnaamijkii maamul-daadajinta degmooyinka oo hawl weyn oo waxtar ah, taasina waxa ay ka turjumaysaa aragtidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq