Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Soo Dhaweynta 20-Arday Oo Ka mid ah Shaqaaladaha Dawladda Oo Wax Kusoo Bartay Dalka Dibadiisa + Sawiro

0
472

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Soo Dhaweynta 20-Arday Oo Ka mid ah Shaqaaladaha Dawladda Oo Wax Kusoo Bartay Dalka Dibadiisa

 

Hargeysa-31-07-2019-(MT-JSL)-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay  soo dhaweyn loo sameeyey 20 ka mida Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo kasoo qalin jabieyey Jaamacada Shaqaalaha Dawladda ee  heerka labaad ee Waxbarashada.

 

Shaqaalahan oo in muddo ah  Waxbarasho ugu  maqnaa Dalka itoobiya  kana soo qalin jabiyey heerarka kala duwan ee Barashada, oo Xafladaasi ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin u dhibirsanaanta shaqada qarankooda islamarkaana  sheegay inay dalkooda iyo dadkooda gelin doonaan wixii aqoon ah ee ay soo barteen.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo balaadhan u diray ardaydaasi wax usoo baratay qarankooda, waxaana uu ku ammaanay dedaalka iyo dhabar adaygii ay sameeyeen mudadii ay ku jireen Waxbarashada Itoobiya.

 

Madaxweyne ku xigeenka  waxa kale oo sheegay in loo baahan yahay in wakhtigan uu Maxadka Shaqaaluhu noqdo mid isagu kaafiya waxbarashada heerkasta oo ay ahaataba, islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in awood iyo maskax la geliyo sidii loo horumarin lahaa Maxadka shaqaalaha dawladda ee CSI.

 

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku ku dardaaray ardaydaasi  wax kusoo baratay Waddanka  aynu jaarka nahay ee Itoobiya ay laban laabaan shaqadii ay qarankooda u hayeen, waxaana uu si gaara u hambalyeeyey 4 Hablood iyagu  ka mid ahaa Ardaydaasi waxbarashada soo dhamaysatay.

 

Gebogebadiina Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shahaadooyin  maamuus iyo dhiirigelin ah gudoonsiiyey ardaydaasi.

Wa-bilaahi Tawfiiq