Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku Soo Maray qaar Ka Mida Kaydadka Biyaha Ee Caasimadda Kalana Qaybgalay Xafllaad Xadhiga Lagaga Jaray Kayd-Biyood Casri Ah Oo Laga Dhisay Koonfurta Magalada Hargaysa + Sawiro

0
671

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku Soo Maray qaar Ka Mida Kaydadka Biyaha Ee Caasimadda Kalana Qaybgalay Xafllaad Xadhiga Lagaga Jaray Kayd-Biyood Casri Ah Oo Laga Dhisay Koonfurta Magalada Hargaysa.

 

Hargeysa-24-10-2018-(MT-JSL)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kormeer ballaadhan kusoo maray kayd-biyood yadda caasimadda Hargaysa, sidoo kalana ka qaybgalay xaflad xadhigaga lagaga jaray kayd biyood cusub oo laga hir geliyay koonfurta magaalada Haragysa .

 

Kayd biyood kan cusub oo ay ku baxday  lacag dhawr milyan oo dollar ah ayaa wax weyn ka tari doona biyo yaraanta ka jirta koonfurta Hargaysa Xaflad ballaadhan oo loo qabtay kayd biyood kan cusub ayaa waxa kasoo qayb galay haldoorka bulshada Somaliland oo ay ka mid yihiin madaxda dhaqanku.

 

Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa, mudane Maxamed Cali Daarood ayaa ka war bixiyay kayd-biyoodyadan cusub iyo halka ay marayso guud ahaan biyo ballaadhinta caasimadu isagoo sheegay in wakaaladda biyuhu dadaal xoogan  gelisay sidii biyo loo gaadhsiin lahaa guud ahaan xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargaysa isagoo maareeyuhu u mahad celiyay shirkada Cocacola foundation oo gacan weyn siisa Wakaaladda biyaha.

 

Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan ay rajo weyn ka qabaan islamrkaan ay dadaal kooda oo dhan isugu geeyeen sidii caasimadda Somaliland ee Hargaysi u heli lahayd biyo ku filan waxaanu rajo ka muujiyay wasiirku dadaalka biyo ballaadhinta caasimadda loogu jiro wakhtigan.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa si weyn ugu mahadceliyay wakaaladda biyaha ee Hargaysa iyo wasaaradda horumarinta biyaha, dadaal-ka dheer ee ay geliyeen hawshan, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in guud ahaan-ba ay biyo yaraani ka jirto caasimadda islamrkaan aaanay jirin xaafad-xaafad kale ka biyo badani, waxaanu sheegay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in ay bulshada caasimadda wada gaadhsiiso biyo ku filan waxaana kamid ahaa hadaladii madaxweyne ku-xigeenka “Marka hore waxaan hambalyaynayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay kayd biyood kan casriga ah, waxaynu ognahay in guud ahaan caasimadu biyo yaraani ka jirto laakiin hadh iyo habeen waxaanu wadnaa dadaal aanu caqabadaas kaga gudubno,walaalayaal biyo waynu u wada baahannahay, mana haboona in aynu siyaasadayno biyaha, xaafadaha caasimadu waa isku wada mid, laakiin diyaar ayaanu u nahay in biyo la helo” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

 

Sidoo kalana Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo kormeeray kaydad biyood-yada caasimadda Hargaysa loo diyaariyey inay gaadhsiiyaan xaafadda, isagoo madaxweyne ku-xigeenkuna amaanay dadaalka wakaaladda biyuhu ugu jirto inay caasimadu noqoto mid biyo wada hesha.

Wa-bilaahi Tawfiiq