Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wasiiradda Ay Khusayso Barnaamijka Horumarinta Dagmooyinka Ee JPLG-ga + Sawiro

0
671

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wasiiradda Ay Khusayso Barnaamijka Horumarinta Dagmooyinka Ee JPLG-ga.

Hargyasa-23-12-2018-(MT-JSL)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kulan la qaatay wasiiro iyo xubno ka tirsan barnaamijka horumarinta dagmooyinka Somaliland ee JPLG-ga loo yaqaanno.

Kulankan ayaa layskaga xog waraystay wixii u qabsoomay sanadkan dhamaanaya iyo bilawga qorshaha sanadka soo socda ee 2019.

Wasiiradda kulankani ka qayb galay ayaa kala ahaa wasiiradda Deegaanka, Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashadda, shaqada iyo arrimaha bulshadda iyo xubno ka socday barnaamijka horumarinta dagmooyinka Somaliland ee JPLG.

Guddomiyaha barnaamijka JPLG-ga Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa faah-faahin ka bixiyay kulankan waxaanu sheegay in lagaga dooday sidii loo sii dar-dar gelin lahaa horumarinta dagmooyinka Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladisii “Maanta kulankan waxa na guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa lagaga hadlayay sidii loosii dar-dar gelin lahaa mashruuca JPLG-ga, sidii loo qorshayn lahaa sanadkan soo socda iyo daba galka sanadkii hore wixii qabsoomay”ayuu yidhi Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir.

Allaa mahad leh