Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Mashruuca Maamul-Daadejinta Dagmooyinka Ee  UN-JPLG-ga + Sawiro

0
632

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Mashruuca Maamul-Daadejinta Dagmooyinka Ee  UN-JPLG-ga.

 

Hargeysa-24-01-2019-(MT-JSL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa barnaamijka maamul-daadejinta dawladaha hoose ee UN-JPLG Mr. Paul Simkin.

 

kulankan oo ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi ku saabsan heerka uu marayo Mashruuca JPLG iyo sida ay uga faa’idaysteen degmooyinka Somaliland.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa madaxa JPLG uga xog-waramay heerka ay degmooyinku marayaan wakhtigan  iyo sida ay uga faa’ideen mashruucan  maamul daadejinta dawladaha hoose oo uu madaxweyne ku xigeenku kormeer ku soo maray dhamaadkii sannadkii tagay ee 2018-ka.

Wa-bilaahi Tawfiiq