Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Tartan Saddexdii Bilood Ee U Danbeeyay Hargaysa Ka Socday Iyo Kooxda Dawladda Hoose Oo Ku Guulaysatay Oo Uu Guddonsiiyay Koobkii

0
639

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Tartan Saddexdii Bilood Ee U Danbeeyay Hargaysa Ka Socday Iyo Kooxda Dawladda Hoose Oo Ku Guulaysatay Oo Uu Guddonsiiyay Koobkii.

 

Hargyasa-22-09-2018-(MT-JSL)- Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta soo gabo-gabeeyay tartan kubadeed muddo saddex bilood ah garoonka kubadda cagta ee magaaladda Hargeysa ka socday.

 

Tartankan oo ciyaartii kama danbaysta ahayd ay iskugu soo baxeen Kooxaha dawladda hoose iyo ciidanka asluubta ayaa waxay guushii ku raacday kooxda dawladda hoose ee Hargaysa, waxaana halkaasi abaal-marino kala duwan lagu guddonsiiyay tababarayaashii iyo ciyaartooyadii muddo soo waday hawshan.

 

Kooxda dawladda hoose oo iyagu shalay galab guushii ciyaartu raacday ayaa halkaasi lagu gudoon siiyay koob iyo abaal-marino loogu talo galay.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo gebo-gebadii halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay guud ahaan ciyaartooyadii kasoo qayb qaatay tartankii mudadda socday iyo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha  oo door weyn ka cayaartay in tartankani qabsoomo, waxaanu sheegay Madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadda Somaliland laban-laabi doonto doorkeeda ay ka ciyaarto Ciyaaraha iyo jihaynta dhalinyaradda  waxaanu yidhi “Waxaan halkan uga hambalyaynayaa guud ahaan ciyaartoyadii mudada tartanka soo waday ee la yimi akhlaaqda iyo xushmadda, waxaan sidoo kale hambalyaynayaa wasaaradda ciyaaraha oo tartankan soo qaban-qaabisay, waxaan kaloo hambalyaynayaa kooxda dawladda hoose ee galabta guulaysatay, xukuumadda somaliland waxay laban-laabaysaa dadaalka aanu ku bxino dhalinyaradda in aanu halkaa ka sii wadno”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenku.