Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Ehelada Marxuum Marxuum Maxamed Jaamac Nuur (Balaaki) oo ku geeriyooday Dalka Kenya

0
641

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Ehelada Marxuum Marxuum Maxamed Jaamac Nuur (Balaaki) oo ku geeriyooday Dalka Kenya

Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen: 13/03/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaa Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac Nuur (Balaaki) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 13/03/2019, dalka Kenya.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku ku sifeeyey Marxuumka oday ka mida odayaashii iyo ganacsatadii reer Nairobi ee sida xooga leh uga soo shaqeeyey halgamadii kala duwaanaa ee dalka loo soo maray.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL