Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Soo Dhaweyn Balaadhan Loogu Sameeyey Magaalada Gabiley + Sawiro

0
1001

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Soo Dhaweyn Balaadhan Loogu Sameeyey Magaalada Gabiley

 

Hargeysa-12-10-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley.

 

Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka, ka degmada, madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenku, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay   Kaantaroolka galbeed ee magaalada Gabiley, waxana ay usoo galbiyeen dhinaca gudaha magaalada.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa,  ayaa socod dheer oo lug ah ku maray wadada wadnaha ee magaalada Gabiley, halkaas oo ay tubnaayeen kumannaan katirsan shacabka reer Gabiley oo dareen waddaniyadi ku dheehan tahay ku soo dhaweeyey madaxweynaha, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayn-rayni.

 

Shacabka reer Gabiley oo aan u kala hadhin soo dhaweynta, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyey dhinaca guriga martida magaalada, waxana halkaas saxaafadda kula hadlay Af-hayeenka madaxweynaha, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo sharraxay socdaalka madaxweynaha, bulshadana uga mahadnaqay sida aan kala hadhka lahayn ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dadweynaha reer Gabiley oo shaaricyada waaweyn ee magaalada tubnaa, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey caleemo qoyan, calanka Somaliland iyo dareen ay ka muuqato jacaylka iyo lexejeclada ay u qabaan madaxda iyo madaxweynahoodaba, guud ahaanba waxan u mahad-celinaynaa shacabweynaha gobolka Awdal iyo shacabka magaalada Gabiley, maamulkooda iyo madaxdooda, soo dhaweyntii diirranayd ee ay u qaabileen madaxweynaha, waxana uu madaxweynuhu ku sugnaan doonaa magaalada Gabiley, isagoo la kulmi doonaa maamulka gobolka iyo kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.”

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo oo ay ugu kuur-galayaan xaaladda gobollada galbeedka dalka, kuna indho-indhaynayaan mashaariicda kala duwan ee xukuumaddu halkaas ka waddo, ayaa socdaal kaga soo laabtay magaalada Boorama, waxana ay haatan ku sugan yihiin magaalada Gabiley.

Wa-Bilaafi Tawfiiq