Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhagax dhigay Biriij Muhiima Oo Isku Xidhi Doorana Magaalada Boorama Iyo Jaamacadda Camuud + sawiro

0
642

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhagax dhigay Biriij Muhiima Oo Isku Xidhi Doorana Magaalada Boorama Iyo Jaamacadda Camuud

 

Boorama-05-08-2018-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo uu safarkiisi u horeeyey ee dhinaca dhulka ah ku tago intii uu xilka Madaxweynenimo Hayey ayaa isla maanta jaamacada Camuud u balan qaad dhismaha biriij cusub oo isku xidhi doona Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Camuud oo xukuumaddu bixinayso kharashka ku baxaya Biriijkaasi, isagoo madaxweynuhu markii laga soo dareeray xafladda Qalin-jebinta dhagax dhigay dhismaha Biriijkaasi.

 

Madaxweynaha oo ka hadlaya buuntada Camuud ayaa yidhi “waxa aanu ku soo tashanay in aanu buundadaa camuud berito uu qandaraaska bixiyo Cismaan oo aanu hore ka bilowno, dawladda Somaliland-baana dhisaysa, sannado qaadan mayso hay’ad ayaa wax laga sugayaa la odhan maayo, lacag baa la waayey oo hay’addiibaa qandaraaskii nagala daahday la odhan maayo, haddii Alle yidhaahdo berito ayaa tartanka guddida qandaraasyada la gelin doonaa, waxa ka masuula wasaaradda jidadka iyo gaadiidka, gaar ahaan hay’adda waddooyinka, Cismaana waa joogaa xilkaasina sidaasu nagaga wareegay”

 

Ugu danbayntiina waxa si wada jira loo dhagax dhigay oo biriijkaas oo ay dhagax dhigeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maareeyaha Haya’adda Waddooyinka Somaliland iyo gudoomiyaha Jaamacadda Camuud.