Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Ku Qaabilay Wufuuddii Dalalka Deriska Ka Socotay Ee Ka Qaybgalay Furitaankii Tartanka Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland + Dawiro

0
368

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Ku Qaabilay Wufuuddii Dalalka Deriska Ka Socotay Ee Ka Qaybgalay Furitaankii Tartanka Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland

 

Hargeysa-29-10-2020-()MT-JSL-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay wufuuddii ka socotay dalka Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya oo hore loogu marti-qaaday kasoo qaybgalka tartanka koobka gobollada dalka oo maalintii shalay ka furmay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium.

 

Wufuuddan oo ay hoggaaminayeen wasiirrada ciyaaraha u qaabilsan dalka Jabuuti, Mudane Xasan Maxamed kaamil iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, Mudane Cumar-Siyad Ibrahim Axmed  ayuu madaxweynuhu uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay uga soo qaybgaleen furitaanka tartanka gobollada Somaliland, waxana uu ka guddoomay salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda.

 

Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ciyaaraha iyo madaxda xidhiidhka kubbadda cagta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka uu madaxweynuhu la qaatay wufuudda ka socotay dalalka deriska ah.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq