Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya + SAWIRO

0
657

Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

 

Hargeysa-28-07-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo  Soomaaliya, Ambassador James Swan.

 

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, sidii ay  qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland iskaga kaashan lahaayeen  ka midho dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee  dalka ka socda iyo arrimo kale.

 

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay wasiirka horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waana ay tilmaameen in kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

 

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad  uga mahadnaqay sida diirran ee uu  usoo dhaweeyey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha.

 

Isaga oo ka hadlaya waxyaabaha ay sida gaarka ah madaxweynaha uga wada-hadleen, waxa uu yidhi “Waxa aan wada-hadal wanaagsan la qaatay madaxweynaha iyo wasiirradiisa, waxa aannu si gaar ah uga wada hadalnay sidii dhidibbada loogu adkayn lahaa guulaha iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, iyada oo si nabadgelyo ah loo xallinayo dhammaanba waxyaabaha lagu kala duwan yahay, lana joogtaynayo hannaan wada-hadalka,” ayuu yidhi James Swan.

 

Waxa uu sidoo kale guul ku tilmaamay xalka ay madaxda qaranku ka gaadheen caqabadihii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, taas oo uu calaamad u ah horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto.

 

Sidoo kale, waxa uu wakiilku hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan geliyeen  kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada  midoobay caawiso.

 

Kulanka  madaxweynaha iyo wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay wada qaateen waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, mudane cabdiqaadir Cumar Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaar ah ee Somaliland u qaabilsan Haaya’dda caalamigaa iyo qarmada midoobey Dr Maxamed Warsame Ducaale.

Wa-bilaahi Tawfiiq