Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Muhiim ah Oo Lagu Kordhiyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa + Sawiro

0
610

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Muhiim ah Oo Lagu Kordhiyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

 

Hargeysa-18-02-2019-(MT-JSL)-Madaxxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo muhiim ah oo dhawaan laga hirgeliyey gudaha Cusbitaalka Hargeysa, kuwaas oo wax weyn ka tari doona baahiyaha uu cusbitaalku qabo.

 

Xarumaha cusub ee uu madaxweynuhu maanta xadhigga ka jaray oo dhammaantood ah kuwo cusub oo dhawaan la hirgeliyey, ayaa kala ah Waadhadh cusub oo loo hirgeliyey Hooyada iyo dhallaanka, qayb loogu talo galay bukaan-socodka iyo  waax lagu keydiyo tamarta cadceedda oo uu cusbitaalku u adeegsan doono baahida korontada, waxana uu madaxweynuhu sidoo kale kormeeray waadhka carruurta ee gudaha cusbitaalka guud ee Hargeysa.

 

Munaasibadda xadhigga lagaga jarayey dhismeyaasha cusub ee lagu kordhiyey cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa  waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf, ku-xigeenkiisa, maamulka cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo saraakiil ka socota hay’adaha UNHCR iyo DRC.

 

Ugu horrayn agaasimaha  cusbitaalka guud ee Hargeysa, Dr.  Axmed Cumar Askar oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sharraxay dhismayaasha cusub ee cusbitaalka kusoo kordhay iyo sida ay wax uga tarayaan baahiyihii xagga waadhadhka ee cusbitaalka yaallay, isaga xusay inay maamul ahaan sii wadayaan ballaadhinta iyo carsriyeynta cusbitaalka, maadaama uu xarun u yahay bukaan meelo kala duwan oo dalka iyo dibaddaba ah laga keeno.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa  hogo-tusaaleeyey  sida ay madaxweynaha qaranka uga go’an tahay horumarinta adeegga caafimaad ee dalku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweyne intaas oo goor baad noogu timi wasaaradda caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka oo anigu ugu sarreeyona in badan baad la shirtay oo aad la kulantay oo aad horumarinta caafimaadka ummadda iyo waddanka ugala hadasho, taasina waxa ay markhaati u tahay sida aad u danaynayso horumarka caafimaadka bulshada reer Somaliland.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda xadhigga lagaga jaray waadhadhka cusub ee lagu kordhiyey Cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa bogaadiyey bahda ku bogaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay bulshada ugu adeegaan, isla markaana ay shacabku tixgelin iyo qaddarin ugu hayaan, waxana uu yidhi, “Bahda caafimaadka in badan baynnu wada hadalnay, qaranka halka aad u haysaanna waynnu ka wada-hadalnay, marka lasoo koobona naftood hurayaal baad tihiin, odhan karimaynno shaqaalaha caafimaadka, waayo shaqaaluhu waa qofka toban saacadood ama siddeed saacadood shaqeeya ee la siiyo ajuuro ku filan waqtigii uu shaqeeyey. Run ahaan dhakhtar, kaaliye iyo nadiifiso intiina shaqaysa dadkiinnu way idiin og yihiin inaad mutadawac ku shaqaysaan.”

Wa-bilaahi Tawfiiq