Munaasad Loogu dabbaaldegayo 61-guurada kasoo wareegtay Maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo Madaxtooyada Lagu Qabtay + Sawiro

0
66

Munaasad Loogu dabbaaldegayo 61-guurada kasoo wareegtay Maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo Madaxtooyada Lagu Qabtay.

Hargeysa-26-06-2021-(MT-JSL)-Xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa caawa lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 61-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii oo ah markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Munaasibadda 61-guurada kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, safiirrada, dalalka, Imaaraadka, Ethiopia, Taiwan iyo Jabuuti u fadhiya Somaliland, wufuud caalami ah oo ka kala socota, dalka guinea Bissau, Kenya, Imaaraadka Carabta, Ethiopia, diblomaasiyiin iyo safirro, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, agaasimeyaal katirsan xukuumadda iyo marti-sharaf oo kale oo aad u tiro badan.

Ugu horrayn, waxa munaasibadda lagu soo bandhigay heeso ka turjumaya muhiimadda ay maalintani leedahay iyo guulaha dhinacyada kala duwan ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay xorta ahayd iyo dhibaatadii ay kala kulantay midowgii Koonfurta Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay midnidii lagu hungoobay ee ay Somaliland la qaadatay maamulkii Koonfureed ee keenay inay dib ugala soo noqoto xorriyaddeedii, markii uu guuldarraystay hadafkii midnimadu, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay bulshada Somaliland muddadaa lixdanka sanno ka badan ee kasoo wareegtay xorriyadooda ay dhaxleen waayo-aragnimo, samir iyo bisayl dhinac walba ah.
Xildhibaan Maxamed Macallin Maxamuud oo katirsan aqalka sare ee dalka Kenya oo isaga iyo wefti ballaadhan oo dalkiisa ka socdaa ku sugnaayeen munaasibadda oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay farxad gaar ah u tahay inay ka qaybgalaan munaasibadda 61-guurada kasoo wareegtay qaadashada xorriyaddeeda, isagoo caddeeyey in dawladda Kiiniya ay mar kasta garab taagan tahay shacabka reer Somaliland.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna dhankiisa shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta xorriyadda qarankooda, waxana uu ugu baaqay inay ilaashadaan dawladnimadooda, una samraan caqabad kasta oo kaga timaadda, isaga oo Koonfurta Soomaaliyana u caddeeyey inay Somaliland usoo soconnin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu liishaanka ku saaray muhiimadda ay qaranka ugu fadhido maalinta xorriyadda Somaliland ee 26-ka June, isaga oo xusay midowgii iyo dhibkii ay Somaliland kala kulantay rabiteenkeedii ahaa shan Soomaaliyeed oo dawladnimo dhista.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si qoto dheer u sharraxay shuruucda iyo xeerarka aasaasiga ah ee Afrika ay ka dhaxashay isticmaarkii reer Yurub ee xuduudaha u kala sameeyey, waxana uu yidhi, “Somaliland waxay hore ugu martay ee ay nabadda u noqotay ee Koonfuri u degi weyday, xukunkeeda, gobolladeeda, doorashadeeda iyo maamulkeedu waxay ku fadhiyaan 26-kii June 1960-kii sharcigii ay ku deggenayd ee ay isticmaarka ka dhaxashay ee Afrika oo dhani ku fadhido ayey Somaliland ku fadhidaa.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu is barbardhigay Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo ku dheeraaday horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca Dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxana uu yidhi,“Muddadaa aynnu jirnay waxaynu ku guulaysannay, markii horena Toddoba doorasho, saddex madaxweyne ayaa isku beddelay si nabadgelyo ah oo qof iyo cod ah, laba gole oo Baarlamaan baa isu beddelay, laba gole deegaan baa doorasho nabadgelyo ah isku beddelay, waana Ilaahay mahaddii, intaynu Toddobadaa doorasho gelaynay soddonkaas sanno, Soomaaliya, iska daa doorasho’e waxa loogu taag la’yahay kolba shir ay u qabato dawlad shisheeye oo lagu soo magacaabo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan.”
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dawladda taagta daran ee Soomaaliya dagaal qaawan kusoo qaadday Jamhuuriyadda Somaliland, dhinaca dhaqaalahana cunoqabatayn ka saartay, islamarkaana ay dagaal kale ka gashay horumarka Somaliland usoo kordha oo ay safka hore kaga jirto ballaadhinta dekedda Berbera.

Ugu dambayntii, markii ay saacadda Geeska Afrika gaadhay 12:00AM (laba iyo tobankii habeennimo) waxa la saaray calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu madaxweynuhu salaan siiyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee la saaray.

default


Wa-bilaahi Tawfiiq